Ururka Haweenka Qaranka oo ka hadlay dhalinyarada tahriibka ku dhimanaysa

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa ka hadashay dhacdadii xanuunka badneyd ee qabsatay dhalinyaro Soomaali ah oo doonayay in ay tahriib ku galaan dalalka Yurub.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku waxyeeloobeen inta udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay sii kordhayeen heerka dhimashada dadka tahriibka ah.

Batuulo ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay wax uqabashada dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jaamacadaha dhameeyay ee dalka ku sagan.

Waxaana dhanka kale ay tilmaamtay in dowladda dhaqaalaha soo gala looga baahan yahay in ay shaqo abuur ugu sameyso dhalinyarada Soomaaliyeed, si looga maarmo dhalinyarada dalalka caalamka utahriibaya.

Dhowaan ayay aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa ku dhowaad 200 ay ku dhinteen bada udhaxeysa Masar iyo Talyaaniga.

601 comments

  1. roh lalala la pression… j’espère que vous avez tenu (mais pas trop car ça risque d’être loooooong au rythme où ça va!) tain ton beulogue il est un peu capricieux ce matin. il m’a claqué plusieurs fois la porte au nez.