Baaritaan lagu ogaaday ragga iyo haweenka dunida ugu dhaadheer iyo kuwa ugu gaagaaban

Baaritaan la sameynayay muddo hal qarni ah ayaa lagu ogaaday in ragga dunida ugu dhaadheer ay yihiin dadka Dutchka halka haweenka ugu dhaadheer dunidana ay yihiin dumarka Latvia.

Celcelis ahaan ragga Dutchka ah ayaa dhererkoodu waxa uu gaaraa 183cm (6ft),halka celcelis ahaan dumarka dalka Latvia uu dhererkoodu gaaro 170cm (5ft 7in).

Baaritaanka oo lagu soo daabacay wargeyska eLife ayaa lagu sheegay in baaritaano lagu sameeyay 187 dal tan iyo sanadkii 1914kii ay ka dhalatay natiijadan la soo bandhigay.

Ragga ka soo jeeda wadanka UK ayaa sare u kacay illaa iyo 11cm ama (4in) celcelis ahaan qofka labka ah ee UK waxaa uu haatan yahay 178cm (5ft 10in) halka dhinaca dheddigana 164cm (5ft 5in).

Dadka Maraykanka ah ayaa warbixintan waxa ay ku sheegtay in ay noqdeen kuwo hoos ugaga soo dhacay heerkii hore dadkaasi dhererkoodu uu ahaa,sanadkii 1914kii dadka Maraykanka waxa ay ahaayeen kuwo ku jirey kaalinta 3aad ee dhinaca dhererka ragga halka ay haatan ka noqdeen kaalinta 37aad,haweenka Maraykankuna oo hore ugu jirey kaalinta 4aad ayaa haatan waxa ay noqdeen kaalinta 42aad.

Kaalimaha ugu sareeya ee dhinaca dhererka caalamka ayaa waxaa ugu badan wadamada Yurub. Waxayna warbixintan cadeysay in dadka dunida ugu gaagaaban ay ku nool yihiin dalka East Timor kuwaasoo celcelis ahaan gaara (160cm; 5ft 3in).

Wadamad Bariga Asia waxaa sare u kacay dalal ay ka mid yihiin Japan,China iyo Koofur Korea waxayna noqdeen kuwo ka dhaadheer halkii ay joogeen boqol sano kahor.

Si kasta ha ahaatee saddexda rag ee dunida ugu dhaadheer ayaa dalalka ay ka soo jeedaan waxa ay yihiin qaar aysan ku jirin tobanka dal ee dadka ugu dhaadheer caalamka ay ku nool yihiin.

Ninka caalamka ugu dheer ayaa ah nin u dhashay dalka Turkiga Sultan Kösen, dhererkiisuna waa 251 cm, 8 ft 3 inches, iyadoo qofka labaad ee caalamka ugu dheerna uu yahay nin u dhashay dalka Morroco  Brahim Takioullah, dhererkiisuna waa  246 cm, 8 ft 1 inch kaalinta 3aad ayaa waxaa ku jira nin u dhashay dalka Iran  Morteza Mehrzad, 242 cm, 7 ft 11¼ in

Tobanka dal ee raggoodu ay ugu dhaadheer yihiin caalamka ayaa waxa ay isugu xigaan sidan  Netherlands, Belgium,Estonia,Latvia,Denmark,Bosnia and Herzegovina,Croatia,Serbia, Iceland Iyo Czech Republic sidoo kale tobanka dal ee dumarka dunida ugu dhaadheer ayaa waxaa u badan wadamada qaarada Yurub

  1. Latvia
  2. Netherlands
  3. Estonia
  4. Czech Republic
  5. Serbia
  6. Slovakia
  7. Denmark
  8. Lithuania
  9. Belarus
  10. Ukraine

 

 

12 comments

  1. Mental eaters may additionally find Garcinia useful as
    studies reveal that it increases serotonin levels in the body, which helps improve one’s sleep pattern and dispositions.

  2. Like its modern day use, it was also used to curb appetite which goes
    to demonstrate that its weight loss abilities were not only recently discovered.

  3. Tous ces éléments peuvent aussi être le résultat
    de plus de dose ou ils étaient déjà quelques autres pilules qui obtiennent réagir avec Garcinia pilules de perte de poids.

  4. The greatest weight loss plan is still to
    eat lots of vegetables and fresh fruits, healthy,
    and exercise.

  5. I don’t even know how I ended up here, but I
    thought this post was great. I don’t know who you are but definitely you’re going
    to a famous blogger if you aren’t already 😉 Cheers!

  6. Every media outlet destroyed James for his poor play in the 4th quarter.

  7. Great beat ! I wish to apprentice even as you amend your web site, how can i subscribe for a weblog
    site? The account aided me a applicable deal. I had been a little bit familiar
    of this your broadcast provided vibrant transparent concept

  8. Illinois For Sale by Owner MLS

  9. howdy, I’ve been having bad luck attempting to rank well for the words “victorias secret coupon codes”… Please approve my comment!!

  10. This is the right blog for anyone who wants to find out about this topic. You realize so much its almost hard to argue with you (not that I actually would want…HaHa). You definitely put a new spin on a topic thats been written about for years. Great stuff, just great!