Galmudug oo soo bandhigtay gaari qarax laga soo buuxiyay iyo raggii watay

Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug, ayaa Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug waxa ay ku soo bandhigeen gaari caasi ah oo lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

Gaarigaan ayaa lagu qabtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xanan-buure oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya.

Nabad Suggida Galmudug waxa ay soo bandhigeen labo ruux oo la sheegay inay wateen gaarigaasi, kuwaasi oo qorshahooda uu ahaa inay weeraro ka geystaan Degmada Caabudwaaq.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida Galmudug ay sheegeen inay ka hortageen gaarigaasi waxyaabaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Ururka Al Shabaab.

Gaarigaan ayaa la sheegay in laga soo kaxeeyay degaanka Galhareeri oo ka tirsan Gobolka Galgaduud oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Al Shabaab ayaa qaraxyo kala duwan waxa ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ee qarax ah ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.

 

2 comments

  1. Write more, thats all I have to say. Literally, it seems as though you relied on the video to make your point. You obviously know what youre talking about, why waste your intelligence on just posting videos to your site when you could be giving us something enlightening to read?|

  2. I am really impressed with your writing skills as well as with the layout on your blog.
    Is this a paid theme or did you modify it yourself?
    Either way keep up the excellent quality writing, it is rare to
    see a great blog like this one these days.