Ciidamada ammaanka oo toogasho ku diley labo ruux oo ka dambeeyay ridista hoobiyaasha

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta duhurkii toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka riday degmada Wadajir, iyagoo gacanta ku dhigay gaarigii ay wateen, kaasoo markii dambe qarxay

Labada nin ayaa ka mid ahaa rag hubeysan oo madaafiic ka ridayay agagaarka Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir, waxaana madaafiicda bartilmaameedkooda uu ahaa Xarunta Xalane oo talis u ah AMISOM.

Illaa saddex ruux oo caruur ay ku jiraanayaa ku dhaawacantay madaafiicda ay rideen ragga oo ku dhacay guryo isku dhegan oo ay dad rayid ah degenaayeen.

Mid ka mid ah labada nin ee la toogtay ayaa sameeyay iska caabin, iyadoo markii ay ceyrsadeen ciidamada ammaanka uu galay guri ku yaala Xaafada Ceel Qalaw.

Ciidamada Ammaanka ayaa hareereeyay guriga uu ninka hubeysan galay, kaasoo ay dad rayid ah degenaayeen, waxaana markii dambe ciidamada u suura gashay inay ninkan toogtaan, iyadoo aanay waxba gaarin dadkii rayidka ahaa.

Goob joogayaal ku sugan Xaafada Ceel Qalaw ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga oo Ilaalo u ahaa Sarkaal degenaa xaafada ay raga hubeysan ka tuurayeen madaafiicda ay markii hore ku baxeen oo ay rasaaseeyeen raggan hubeysan.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo goobta howl galka ka socday gaaray ayaa sheegay in raggan ay warbixintooda hayeen, isagoo uga mahad celiyay shacabka inay Ciidamada la wadaageen xogta ragan.

Wasiir Ducaale ayaa Saxaafada u soo bandhigay meydka labada nin ee hubeysnaa, labo qori AK47 ah iyo qorigii Hoobiyaha ahaa, waxaa uu tilmaamay mid ka mid ah labada nin uu ka dambeeyay dil todobaad ka hor loo geystay Xoghayihii maamulka degmada Wadajir iyo darawalkiisa.

Gaariga ay wateen dableydii hubeysneyd ayaa markii dambe ku qarxay meel u dhow koontarool ciidamada ammaanka ku leeyihiin agagaarka Danwadaagaha.

Howl galkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee guuleysta oo ay ciidamada ammaanka ku dilaan kooxo hubeysan madaafiic ka ridayay gudaha magaalada Muqdisho.

 

2 comments

  1. Simply wish to say your article is as amazing. The clarity to your post is just spectacular and that i could think you’re knowledgeable in this subject. Fine along with your permission allow me to grasp your RSS feed to stay up to date with approaching post. Thank you 1,000,000 and please keep up the rewarding work.

  2. Hello there, I found your site via Google while looking for a related topic, your website came up, it looks great. I have bookmarked it in my google bookmarks.