Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre oo booqday nin dhalinyaro ah oo ku xanuunsanaya Jowhar (Sawiro)

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabelaha dhexe & kan degmada Jowhar iyo mas’uulyiin ka tirsan dowlada goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta gurigiisa ku booqday wiil dhalinyaro ah oo xanuunsan la garab waayay qaba dhowaana laga keenay miyiga .

Xasan Abeey Daahir oo ah 44 jir aabe u ah shan carruur ah ayaa muddo 4 sanadood ah waxaa hayay cudur aan la garanayn isagoo degenaa tuulada Diinlow oo ka tirsan degmada Mahaday, hase yeeshee qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Jowhar gaar ahaan xaafada Horseed ayaa isku xilqaamay in ay soo gaarsiiyaan bukaankan iyo qoyskisaba magaalada Jowhar si daawo iyo daryeel ay u helaan.

Xaalada Xasan Abeey oo aad u liidato ayaa mas’uuliyiinta maanta booqday oo uu horkacayay Guddoomiyaha gobolka Shabelaha dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in baaritaan caafimaad lagu sameyn doono Xasan isagoo ballanqaaday in maamulku uu bixin doono wixii dhaqaale ah ee ku baxa baaritaankiisa.

Mas’uuliyiinta booqashada ku weheliyay  maanta guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo isboortiga dowlad goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Maxamed Cabdalla Suufi, xildhibaan Maxamed Yusuf Colow,  Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka sh/dhexe Muxumed Sugaal Cabdi, Guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar C/qaadir Buurfuulle, duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Jowhar Xasan Barrow Bocor.Taliyaha Booliska Degmada Jowhar Maxamed Siyaad Cali iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa qoyskaan aabahood uu xanuunsanayo.

Qofkii doonaya in uu gacan ka geysto sidii wax loogu qaban lahaa Xasan Abeey Daahir waxa ay kala xiriiri karaan taleefanka lambarkiisu yahay; 0617090881 oo laga helo Shiikh Maxamed Salaymaan Cabdalla oo ah Iimaamka Masjidka Sh.Xanafi.

 

One comment

  1. [url=http://ibcia.org/183374]ibcia[/url], [url=http://nrsolution.co.kr/?document_srl=8079]nrsolution co[/url], [url=http://nativeenglishclasses.com/UserProfile/tabid/61/userId/32247/Default.aspx]nativeenglishclasses[/url], [url=http://imorph3d.com/groups/maglietta-juventus-paulineun/]imorph3d[/url], [url=http://sntvnews.com/2016/11/01/oic-to-discuss-alleged-houthi-missile-strike-near-mecca/]sntvnews[/url], [url=http://koreadunamis.org/xe/index.php?mid=a0305b&document_srl=1164189]koreadunamis[/url],