Hirshabeelle oo soo dhoweysay ganacsatada qaadka Muqdisho

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay ganacsato bilowday in ay qaadka ka soo dejiyaan garoonka diyaaradaha ee Jowhar kadibna gaadiid ku geeyaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta hiddaha iyo dalxiiska Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay soo dhoweyneyso ganacsatada dooneysa inay maalgashadaan Hirshabeelle lana macaamilaan dowlad goboleedka.

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in dhowaan la dhamaystirayo dayactir lagu sameynayo dekeda Ceel-Macaan iyo garoonka diyaaradaha Cisaley.

Haddii ay suurtogal noqoto in dib loo howlgaliyo dekeda dabiiciga ah ee Ceel Macaan ayaa waxa ay dhabarjab ku noqon kartaa dhaqaalaha ka soo galaya dowlada federalka dekeda Muqdisho,iyadoo ka soo dejinta qaadka magaalada Jowhar maanta ay dowlada Federalka ku weysay kumanaan dollar oo hore ugaga soo xeroon jirey canshuurta qaadka.

Kolonyo gaadiid ah oo sidey qaad laga soo dejiyay magaalada Jowhar ayaa markii ugu horeysay gaaray maanta magaalada Muqdisho iyadoo lix diyaaradood oo sidey qaad ay ka soo degeen maanta magaalada Jowhar.

3 comments

  1. Howdy I am so thrilled I found your blog, I really found you by accident, while I was researching on Bing for something else, Anyhow I am here now and would just like to say cheers for a marvelous post and a all round entertaining blog (I also love the theme/design), I donít have time to read through it all at the moment but I have saved it and also added your RSS feeds, so when I have time I will be back to read much more, Please do keep up the great work.

  2. Unquestionably believe that that you said. Your favorite justification seemed to be on the internet the simplest factor to keep in mind of. I say to you, I definitely get annoyed even as other folks consider worries that they just don’t realize about. You managed to hit the nail upon the top and defined out the entire thing with no need side effect , other folks could take a signal. Will probably be back to get more. Thank you

  3. Hello! I know this is kinda off topic but I was wondering if you knew where I could locate a captcha plugin for my comment form? I’m using the same blog platform as yours and I’m having trouble finding one? Thanks a lot!