Ilaalada xaruntii hay’ada Unicef ku lahayd Jowhar oo baaq u dirtay Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya

Qaar ka mid ah ilaalada xaruntii hay’ada Unicef ay ku lahayd magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay Wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Keating in uu wax ka qabto dayacaad ay ku sameysay hay’ada Unicef.

Ilaaladan oo illaa iyo haatan ku sugan xaruntii hay’ada UNICEF ee bartamaha Koofurta Soomaaliya ku lahayd magaalada Jowhar oo ka kooban dhismooyin kala duwan ayaa waxa ay sheegeen in muddo afar sano iyo lix bilood ah ay ilaalinayeen xaruntaas ayna wax daryeel ah ka helin hay’ada Unicef.

Cabdwahaab Cali Axmed oo ka mid ah ilaaladan ayaa u sheegay jowhar.com in hay’ada Unicef saraakiil ka tirsan ay ku ogaayeen inay ilaaliyaan xaruntan balse aysan dib dambe aysan ugu soo laaban marka laga reebo iyagoo qalab muhiim ah ka qaatay xeradaas.

“Waxaan ka codsanaynaa hay’ada Qaramada Midoobay inay xuquuqda aan ku leenahay Unicef aan ka helno annagoo ah shaqaale rasmi ah oo ka tirsan hay’ada Unicef dhibaato badana ka soo marnay xeradan.”ayuu yiri Cabdwahaab Cali Axmed.

“ Labo kamid ahayd Ilaalada xarunta hay’ada Unicef  ayaa geeriyooday  hadana waxaan ku joognaa lix ruux oo aan wax xuquuq ah ka helin Unicef muddo ka b adan afar sano.”ayuu yiri Cabdwahaab Cali Axmed oo ka mid ah ilaalada xaruntan.

Dhismaha hay’ada Unicef ku lahayd magaalada Jowhar ayaa waxaa haatan ay u baahan tahay dayarctir kooban iyadoo ilaalada ay badbaadiyeen xaruntan waxaana weli ilaalo ka ah xaruntan ilaaladii hore ugu shaqeyn jirtey hay’ada Unicef.

Ilaalada codsiga u dirtey Wakiilka Qaramada Midoobay Mr Keating ayaa hore waxa ay muddo dheer uga ahaayeen shaqaale xaruntan waxayna ugu baaqeen in uu xuquuqdii ay ku lahaayeen hay’ada Unicef ay ka helaan.

6 comments

  1. We stumbled over here different web address and thought I might check things out.

    I like what I see so now i am following you. Look forward to looking
    into your web page for a second time.

  2. Thanks , I have recently been looking for info about this subject for a long time and yours is the best I’ve found out so far. However, what in regards to the conclusion? Are you certain about the source?

  3. Νow I am going to ⅾo my breakfast, after having mу breakfast coming
    yet again to read mоrᥱ news…

  4. When someone writes an article he/she keeps the idea of a user in his/her brain that how a user can understand it.
    Thus that’s why this paragraph is amazing. Thanks!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*