Maalinta dhirta oo laga xusay maanta xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle

Munaasabadan ayaa mas’uuliyiintii  ka soo qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi,guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise, wasiiro,wasiir ku xigeeno,xildhibaano, maamulka gobolka Sh/dhexe,Maamulka degmada Jowhar,Ururada haweenka iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddomiyaha Gobolka sh/dhexe  Mudane Axmed Meyre Makaraan isaga oo sheegay in dhirtu ay deegaanku u tahay muhiim loona baahanyahay in laga hortago xaalufinta dhirta .

Waxaa sidoo kale goobta munaasabadda ka hadlay wasiirka beeraha ee maamulka Hirshabelle mudane Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe oo sheegay in ay iska kaashaynayaan labada wasaaradod ee beeraha iyo xannanada xoolaha sidii dhirtu oo muhiim u ah gobolka ay u ilaalin lahaayeen.

Xildhibaan Maxamud Xuseen Gudbaaye oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa hadal koobana ka jeediyay madasha  ayaa sheegay in ka shaqeyn doonan Horumarinta Wasaaradda iyo dhowridda dhirta.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Hirshabeelle Cabdulqaadir Aadan Jeelle oo qudbad ballaaran jeediyay inta xafladdu ay socotay ayaa isna tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dhibaatada dhirta maanta heysato iyo xaalfinta ay sameeynayaan dadka siyaabaha kale ugu faa’ideystaan jarista dhirta .

Ugu dambeyn waxaa soo gunaanuday xafladda Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Hirshabelle ahna ku simaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geeddi oo sheegay in maamul ahaan ay ka shaqeyn doonan horumarinta bey’ada iyo bad-baadada dhirta.

Qudbadaha kadib ayay mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabadan waxa ay ku talaaleen dhir xarunta Maamulka gobolka Sh/dhexe iyadoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan si weyn loogaga xusin maalinta dhirta dalka Soomaaliya.

5 comments

  1. ka jeediyay madasha ayaa sheegay in ka shaqeyn doonan Horumarinta Wasaaradda iyo dhowridda dhirta

  2. wasiiro,wasiir ku xigeeno,xildhibaano, maamulka gobolka Sh/dhexe,Maamulka degmada Jowhar

  3. wasiirka beeraha ee maamulka Hirshabelle mudane Cali Xaaji Cabdulle

  4. Aw, this was a really nice post. In idea I want to put in writing like this moreover – taking time and precise effort to make a very good article… however what can I say… I procrastinate alot and in no way appear to get something done.

  5. Hey just wanted to give you a quick heads up and let you know a few of the pictures aren’t loading correctly. I’m not sure why but I think its a linking issue. I’ve tried it in two different internet browsers and both show the same outcome.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*