Madaafiic ku dhacday xaafad ka mid ah magaalada Muqdisho oo qasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen xaafado katirsan Degmada Howl-Wadaag ee gobolka Banaadir, waxaana madaafiicdan ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo kamid ah Madaafiicdan ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo dhaceen xero ay dagan yihiin dad barakacayaal ah iyo sidoo kale Dugsi sare Xasan Khariindi oo ku dhaway xarunta degmada Howl-Wadaag .

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo mid ka mid ah ay ahayd gabar yar oo ardayda Iskuulka kamid ah ayaa ku dhimatay Madaafiicdan halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 5-qof kale oo u badnaa caruur arday ah oo ku sugnaa iskuulka Madfaca kusoo dhacay.

Dadka ku dhaqan Degmada Howl-Wadaag gaar ahaan xaafadaha ay kusoo dhaceen ayaa dareemay khal khal badan, waxaana dadka qaar bilaabeen in ay guryahooda ka cararaan iyaga oo gara la’ halka laga soo tuuray madaafiicdaas.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga dambe Insha Allah


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*