Alexandre Lacazette oo kooxdiisa Lyon u sheegay in la fasaxo

Bartilmaameedkii kooxda Arsenal Alexandre Lacazette ayaa la sheegay inuu ku dhowaaqay inuu damacsan yahay inuu iskaga dhaqaajiyo kooxda Lyon.

Macalin Wengar ayaa loo sheegay inuu heegan weeyn galo maadaama xidigaan laga yaabo inuu dhageeysto dalabyada kale ee ka imaankara kooxaha kale ee isaga soo dalbanayaan.

Xogta muhiimka ah ee la ogaaday ayaa ah in xidigaan uu damacsan yahay inuu ka tago kooxda Lyon , waxaana uu xidigaan qorsheeynayaa inuu ku biiro kooxda Atletico Madrid.

Macalin Simeone ayaa xidigaan soo dalbaday waxaana uu dareemayaa Alexandre Lacazette inuu boos joogta ah ka helidoono halkaas.