Arsenal oo isha ku haaysa xidig amah kaga maqan Chelsea

Macalinka kooxda Arsenal Wengar ayaa dalab layaab leh ka gudbiyey Tammy Abraham .

Tammy Abraham waa ciyaaryahan ay milkiyadiisa leedahay kooxda Chelsea waxaana uu hada amaah ku joogaa kooxda Prestol.

Macalin Wengar ayaa aad ula dhacay bandhiga xidigaan waxaana uu damacsanyahay inuu soo qaato xilli ciyaareedka soo socda.

Mahalada The Sun aaa warineysa in Macalin Wengar uu bilaabidoono wada hadalka xidigaan bisha soo socota oo furmidoono suuqa kala iibsiga.

Xidigaan waxaa uu leeyahay tayo gooldhalineed inkastoo xilligaan aan Wengar laga filaneeeynin dalabyadaan oo kale.

Ciyaaryahankaan ayaa la ogaaday inuusan qeeyb ka ahayn qorshaha Macalin Conte sidaasi darteeda waxaa uu dhegeeysandoonaa dalabyada u imaandoonaan.

Xidigaan ayaa wacdaro ka sameeyey horyaalka labaad ee England waxaana uu dhaliyey 26 gool kadib 48 kulan uu u saftay kooxda Bristol City.

One comment

  1. This paragraph is truly a pleasant one it helps new the
    web viewers, who are wishing in favor of blogging.