Dagaal Ka bilowday Magalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo malleeshiyo beeleed deggan Xaafadda Howlwadaag ee Magaaladaas.
Ilaa hadda hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay dagaalka ka socda Baladweyne,waxaana jira dhaawacyo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya.
Dagaalka ayaa ka billowday kaddib markii Ciidamada taabacsan Dowladda ee jooga Magaalada ay isku dayeen in ay Malleeshiyo Beeleed deggan Howlwadaag ku qasbaan in ay ku biiraan Ciidanka Dowladda.
Malleeshiyada deggan Howlwadaag ayaa sheegtay  Maamul lagu magacaabo Westland,waxaana ay diideen in ku biiraan Maamulka Dowladda.
Malleeshiyo beeleedka Deggan Howlwadaag ayaa dhowr jeer  isla xaafaddaas kula dagaallamay Malleeshiyo Beeleed kale,waxaana Maamulka Hiiraan ay isku dayeen in la xalliyo.

 

bye cabdiraxman deerey

2 comments

  1. You’ve terrific thing these.
    [url=http://www.adventurenorthhockey.com/]completini calcio a poco prezzo[/url]

  2. I’m not that much of a internet reader to be honest but your blogs really nice, keep it up!
    I’ll go ahead and bookmark your website to come back later on.
    Many thanks