Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku dhaawacantay shil gaari

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Canab C/llaahi Ciise ayaa saaka ku dhaawacantay shil, kaddib markii gaari ay saarneyd uu ku qalibmay duleedka magaalada Jowhar.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa waxaa soo gaartay dhaawac fudud, iyadoo bur bur xooggan uu soo gaaray gaarigii ay la socotay.

Guddoomiye Canab ayaa ku sii socotay magaalada Muqdisho, waxaana gaarigeeda uu shil ku galay Tuulada Boorow oo qiyaastii magaalada Jowhar u jirta ilaa 15KM.

Marwo Canab ayaa hada lagu daweynayaa Isbitaalka magaalada Jowhar, inkastoo dhaawaceeda uu yahay mid fudud.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa ah mid aad u bur bursan, waxaana ka dhaca mararka qaar shilal sababa dhimasho iyo dhaawac.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*