Hay’adda IOM oo soomaaliya ka taageereysa ka hortaga tahriibka

Hay’adda Socdaalka Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (IOM) ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay ka taageereyso ka hortaga Tahriibka, arrimaha Qaxootiga, iyo Daryeelka Barakacayaasha.

Maxamed Abdiikar oo ah masuul ka tirsan Hay’adda IOM ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed ay ugu nagaan lahaayeen dalkooda.

Sidoo kale Maxamed Abdiikar ayaa sheegay Hay’adda IOM in ay fursado shaqo u abuureyso Dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay uga baaqsadaan in ay nafsadooda halis geliyaan.

“Aad baad u mahadsan tihiin, waxaan halkan uga mahadcelineynaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan Dowlad la ayidsan yahay oo sababtay inaan halkan imaano, kalana shaqeyn doono waxyaabaha ay mudnaanta siineyso, si aan u xaqiijino xasiloonida, arrimaha Qaxootiga iyo Tahriibka”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado qorshe wax looga qabanayo dhibaatooyinka Tahriibka, islamarkaana Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa wax ay ku iloobaan Tahriibka qatarta badan.

One comment

  1. Great, thanks for sharing this post.Thanks Again. Cool.