Howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo saakay ka socdo Gobalka Hiiraan

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay howlgallo waxa ay ka  bilaabeen degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad gobaleedka Hirshabeele.

Howlgallada xoogooda ayaa laga sameeyay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Buula Burde iyo  jalalaqsi  ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa yimid ka dib markii la sheegay in Al-Shabaab ay soo gaareen degaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Jalalaqsi iyo  Buulaburde oo aysan horay u joogin.

Howlgallada ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo in ay xiriir lala leeyihiin dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in dadkaasi oo tiradooda dhan tahay 8 ruux baaritaan lagu waddo.

Inta badan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeya goobaha ay gacanta ku hayaan.

 

One comment

  1. Wow because this is very helpful work! Congrats and keep it up.
    [url=http://www.adventurenorthhockey.com/]maglietta juve bambino[/url]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*