Inter Milan oo dagaal ugu jirta sidii ay ula soo wareegi lahayd Kurt Zouma

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay damacsan tahay soo qaadashada ciyaaryahanka kooxda Chelsea Kurt Zouma xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda lagu naaneeso The Nerazzurri ayaa damacsan in xidigaan ay kaga maaranto Roma daafeceeda Antonio Rudiger  kaasi oo u muuqda in Roma ay ku dalbatay lacag xoogan.

Tuttosport  ayaa sheegeysa in  Zouma uu bartilmaameed waali ah uu  u noqday kooxda Inter Milan ,waxaana uu ku biiray qorshaha cusub ee Kooxda Inter Milan xilli ciyaareedka soo socda.

22-sano jirkaan ayaa ka ciyaarikara daafaca dhxe ,waxaana uu kaliya xilli ciyaareedkaan kusoo bilowday seddex kulan tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay dhaawaca.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in xidigaan uusan hada damacsaneeyn in heshiiska loo kordhiyo maadaama xilli ciyaareed cusub la gelirabo.

Kurt Zouma ayaa laga yaabaa inuu aqbalo fursadaan maadaama uu kamid yahay xidigaha ugu wanaagsan ee kooxda Chelsea balse uu u baahanyahay fursad wanaagsan in lasiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*