Khasaare ka dhashay Qarax gaari oo ka dhacay Wadajir

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku dhintay halka mid kalena uu ku dhaawacmay kaddib Qarax Gaari oo ka dhacay Degmada Wadajir ee Muqdisho.
Ciidamada Dowladda ayaa isku dayay in ay qabtaan Gaari ay ka buuxeen walxaha Qarxa oo la dhigay Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Wadajir.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Qofkii watay Gaariga Qarxay sida ay laamaha amniga u sheegeen Warbaahinta.
Askariga dhintay ayaa ka mid ahaa Ciidamada Miino baarista oo doonayay in ay Gaariga ka furan Miinada waxaana uu qarxay inta aysan askarta Qaraxa ka furin.

 

bye cabdiraxman deerey