Kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay koobka horyaalka Yurub (Sawiro)

Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka Yurub ee Champion League kadib markii ay 4-1 ay ugaga badisay naadiga Juventus ciyaar final ahayd oo caawa ka dhacday magaalada Cardif ee Wales.

Ciyaar aad u adkeyd ayna labada koox soo bandhigeen xirfad ayaa 90kii daqiiqo kadib kooxda Real Madrid waxa ay noqotay mid taariiq cusub u dhigta koobkan iyadoo labo sano oo isku xigta ku guuleysatay.

Kooxda Real oo 4-0 ku badisay ayaa weeraryahankeeda Ronaldo uu labo gool u dhaliyay halka labada gool ee kale ay kala dhaliyeen  Casemiro  iyo Marco Asensio,  kooxda Juventus ayaa waxaa gool kaliya ay dhaliyeen oo ahaa mid aad u qurux badan waxaa u dhaliyay  Mario Mandžukić.

Ciyaartan oo qeybteedii dambe aad u kululaatay ayaa waxaa la bixiyay 8 calaamadaha hurdiga ama digniinta ah iyadoo afar ka mid ah la siiyay ciyaaryahanada Juventus halka afar kalana ay qaateen ciyaartoyda Real Madrid hase yeeshee dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa karaka Cas la siiyay Juan Cuardrado oo ka mid ah ciyaartoyda naadiga Juventus.

Labo ka mid ah goolasha ay dhaliyeen kooxda Real Madrid ayaa ahaa mid aan si toos ah shabaqa u cuskan balse ay ku sii dhaceen ciyaartoyda kooxda Juve waxaana ka mid ahaa goolkii koowaad ee uu dhaliyay Ronaldo iyo goolkii labaad ee uu dhaliyay Casemiro.

Real Madrid oo sidoo kale ku guuleysatay koobka horyaalka dalka Spain ee La Ligaha ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee labo jeer oo isku xigta ku guuleysata koobka Champion League intii magacan loo bixiyay sidoo kale waxa ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee 12 jeer  La Duodecima, iyadoo weeraryahanka gooldhaliyaha ah ee Ronaldana uu dhaliyay goolkiisii 600aad.

 

One comment

  1. WOW just what I waѕ searching fоr. Ϲame heгe Ьy searching foor plumbing