Dagaalyahanno Daacad u kala ah All Shabaab iyo Abuu Roobow oo ku Dhintay Dagaalkii ka dhacay Bakool

Ugu yaraan 19 dagaalyahanno oo ka kala tirsan Al Shabaab iyo ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa ku dhintay dagaal xooggan oo Arbacadii shalay ka dhacay galbeedka Gobolka Bakool, sida saraakiil ay sheegeen.

Dagaalka ayaa waxaa uu aroornimadii hore uu ka dhacay degaanka Abal, oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Abuu Mansuur.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa mudo kooban gacanta ku dhigay deegaanka balse waxaa dib ula wareegay ciidamadii daacada u ahaa Mukhtaar Roobow Ali Abuu Mansuur.

Ku-simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in dagaalka uu aad u kululaa.

Dhinaca kale Saraakiil ayaa xaqiijiyay in 13 dagaalyahanno oo ka tirsan Al Shabaab iyo lix askari oo daacad u ah Mukhtaar lagu dilay dagaalka, balse ma aysan sheegin haddii uu jiro khasaare gaaray dad rayid ah.

Xaaladda ayaa maanta degan, sida la soo sheegayo. Sidoo kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegay in Mukhaar Roobow uu helay gurmad xooggan.

14-ka bishii June ee sanadkan, Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dowlada Mareykanka ugu saartay liiska Argagixisada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Hogaamiyayaasha ugu sareeya Dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo dhaweyeen go’aankasi isaga oo sheegay iney sharaf weyn u tahay dhammaan ummada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiirka ayaa shaaciyay in maamulka Koonfur Galbeed aysan weli heynin war rasmi ah oo uu Mukhtaar Roobow ku cadeeyay inuu ka soo goostay Ururka Al Shabab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*