Waa side xaaladda deegaanada ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Mukhtaar Rooboow?

Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta uu dagan tahay kadib dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab ay mar kale weerar ku qaadeen wadaadka gooni u goosadka ah ee Sheekh Maqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil kale oo oo ka tirsan Ciidanka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalkaasi khasaare xoogan lagu gaarsiiyay ururka Al-shabaab, iyaga oo sidoo kale sheegay Dagaalkaasi in lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool Korneel Maxamed Xasan Timacade ayaa sheegay in ay aad uga warhayaan dhaq dhaqaaqyada kala duwan ee ururka Al-shabaab ay ku doonayaan in ay gacanta ugu dhigaan Abuu (Mansuur).

Korneel Maxamed Xasan Timacade Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool ayaa sidoo kale sheegay Ciidamada in ay qabaan amar buuxa oo ku aadan in ay u gurmadaan Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Al-Shabaab ayaa doonaya in ay xoog ku maquujiyaan wadaadkii hori kaga gooystay ee Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ka dib markii la sheegay inuu diiday wadahadalo la doonayay in dib loogu celiyo kooxda Al-Shabaab.a