Madaxweyne Waare oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jalalaqsi

nnnMadaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta gaaray magalaada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa meel fagaaro ah kula hadlay boqolaal shacab ah oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jalalaqsi.
Booqashada uu ku tegey Madaxweyne Waare oo ahaa mas’uulkii ugu sareeyay oo sanado badan kadib booqday magaalada Jalalaqsi ayaa ku tegey diyaarad nooca qumaatiga u kaca iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jalalaqsi oo ka mid ah magaalooyinka go’odoonsan ee hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Madaxweyne Waare ayaa ka dhagaystay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jalalaqsi baahiyaha ugu daran ee haysta iyo xaaladooda nololeed iyo mid amniba.
Waxgaradka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ka codsaday inuu ka caawiyo helida goobo Caafimaad Iskuulo Waxbarasho.
Sidoo kale codsiga loo gudbiyay Madaxweyne Waare ayaa waxaa ka mid ahaa in bulshada Jalalaqsi ay helaan wadooyin xor ah oo ay ku tegi karaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay ina la furo wadada laamiga kadibna loo gudibi doono sidi wax looga qabanaha ariimaha kale ee ka jira degmada jalalaqsi.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday Hay’adaha Samafalka Iyo Dowlada federaalka inay ka qeyb qaatan caawinta dadka dhibaateysan islamarkana deegankoodii ay go’doomiyeen Al shabaab.

4 comments

  1. I absolutely love your blog and find nearly all of your post’s to be exactly what I’m looking for. Would you offer guest writers to write content to suit your needs? I wouldn’t mind composing a post or elaborating on most of the subjects you write related to here. Awesome web log!

  2. Muchos Gracias for your blog.Much thanks again. Great.

  3. I loved your article. Want more.

  4. Hi there could you let me know which blog platform you’re dealing with? I am planning to start out my own site on kik messenger online very soon but I’m having difficulty choosing.