Wocca oo ku wareejisay qalab xafiiseed maamulka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar(Sawiro)

Munaasabad lagu wareejinayay qalab xafiiseed maamulka degmada Jowhar,kan gobolka Sh/dhexe iyo urur la magac baxay Duubab Plus ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Qalabkan oo ahaa qalab casri ah looguna talagalay xafiisyada maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa munaasabadii lagu wareejinayay waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ahna guddoomiye ku xigeenka maaliyada Cabdulaahi Shataawe,guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada Maxamed Cabdi Sheekh,  Guddoomiyaha degmada Jowhar CIsmaan Maxamed Muqtaar,duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali,guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada degmada Jowhar Ismaacil Warsame Faarax.

Ugu horeyntii  waxaa warbixin kooban ka soo jeediyay munaasabadan Dr Cabdulaahi Axmed Iidow Maareeyaha Mashruuca dib uheshiisiinta iyo Maamul Dhisida hay’ada Wocca waxana uu sheegay in mashruucan uu socday muddo hal sano ah mudadii uu socdayna tababar loo qabtay odayaasha iyo guddiga qorsheynta oo ka koobnaa haween,dhalinyaro iyo culumaaudiin, intii uu socday waxa la dhisay mashruuca duubab balaas.

“Duubabkii ayaa la mideeyay hal xeer ayaa la sameeyay buug ayaa laga soo saaray oo xeer ah kaasoo bulshada jowhar lagu dhaqo uuna u sii gudbi karo degmooyinka kale ee Hirshabelle,”ayuu yiri Dr Iidow.

Guddoomiyaha hay’adda Wocca Marwo Faadumo Maxamed Axmed ayaa sheegtay in muddo dheer ay hay’ada WOCCA ka fulinaysay howlo kala gedisan gobolka Sh/dhexe balse barnaamijkan la isugu soo ururiyay oday dhaqameedyada iyo nabadoonada waxa uu ka mid yahay howlihii ugu muhiimsanaa ee hayadu qabato.

Marwo Faadumo Maxamed Axmed ayaa ku wareejisay Maamulka degmada Jowhar,kan gobolka Sh/dhexe iyo guddoomiyaha Duubab Plus qalab xafiiseed kala duwan.

Guddoomiyaha Duubaba Plus Nabadoon Axmed Colow Beerey oo isagana ka hadlay munaasabadan  ayaa ka mahad celiyay qalab xafiiseedkan maanta lagu wareejiyay waxana uu sheegay inay sii wadi doonana howlaha ay u hayaan bulshada.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar iyo kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdulaahi Shitaawe oo munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay hay’ada Wocca iyo hay’adaha kale ee qeybta ku leh qalabkan loogu deeqay qaar kamid ah xafiisyada degmada iyo kan gobolka Sh/dhexe.

Qalab xafiiseedkan maanta lagu wareejiyay Maamulka degmada Jowhar iyo kan Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa maalgeliyay oo iska kaashaday Midowga Yurub iyo Hay’ada DDG.

30 comments

  1. 每逢佳节倍思亲,看你博客很用心!

  2. Cialis Buy Sweden Viagra Hombre Direct On Line Fluoxetine Get Internet Overseas Shop [url=http://levibuying.com]vardenafil hcl 20mg tab[/url] Propecia Soft Propecia Buy Amoxicillin Capsules In Uk

  3. You can find particular earring holders accessible
    in the market, which protects the earring from breaking.

    How did I start a jewellery enterprise?