Dowladda Federaalka Oo Shaacisay Tirada Rasmiga ah ee Khasaaraha Qarixii Soobe

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixintii u dambaysay oo faah faahin dheeraad ah ka bixinaysa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii  ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa waxaa ay ku shaaciyeen  khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228.

‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay  in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya,

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) aya sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegidoonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uufalka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

Dhinaca kale, Waxaa saaka dib loo furay wadada isgoyska Soobe, iyadoo  loo fasaxay in ay isticmalaan dadka iyo gadiidka. Wadadan oo dib loo dayactiray ka dib qaraxii 14kii bishan ka dhacay muqdisho

9 comments

  1. I have fun with, result in I found just what I was looking for. You have ended my four day lengthy hunt! God Bless you man. Have a great day. Bye

  2. ood news about Dowladda Federaalka!

  3. I keep listening to the newscast talk about receiving boundless online grant applications so I have been looking around for the best site to get one. Could you tell me please, where could i get some?

  4. Greetings I’m so delighted I found your webpage, I really encountered you by mistake, when I was searching on Bing for flirty pick up lines. Anyways I am here now and would just like to say kudos for a marvelous post and the all around interesting blog (I also love the theme/design), I don’t have the time to read it all at the minute but I have book-marked it and also added in the RSS feed, so when I have the time I’ll be back to look over a lot more. Make sure you do continue the amazing work.

  5. Just desire to say your article is as astounding. The clarity to your put up is just excellent and i could assume you are an expert on this subject. Well together with your permission let me to seize your RSS feed to keep up to date with approaching post. Thank you one million and please keep up the enjoyable work.

  6. hi!,I love your writing very so much! percentage we communicate more approximately your post on AOL? I need a specialist in this space to resolve my problem. Maybe that’s you! Looking ahead to peer you.

  7. I frequently read your site content attentively. I am also looking into best smartphone apps, perhaps you might write about this from time to time. Bye bye!

  8. I used to be very happy to seek out this internet-site.I wished to thanks for your time for this wonderful read!! I positively enjoying every little bit of it and I have you bookmarked to take a look at new stuff you blog post.