Lixda musharax ee saddexda xisbi oo la gudoonsiiyey shahaadadda aqoonsiga musharaxnimo

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa  gudoonsiiyey lixda musharax ee saddexda xisbi uga qaybgali doonta  doorashadda madaxtooyada ee Somaliland ee bisha November 13-keedda ka  dhici doonta Somaliland.

Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in lixda musharax buuxiyeen shuruudihii laga rabay musharaxnimadda, waxaanay siiyeen shahaadooyinkii loogu aqoonsanayey musharaxnimadda.

Gudoomiyaha  guddida doorashooyinka Cabd  iqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlaya  munaasibadan shahaadooyinka lagu gudoonsiinayey waxa uu yidhi  “Waxaanu  iskugu nimid in aanu idin gudoonsiino Lixda musharax ee sadexda xisbi  qaran shahaadooyinkii sharciyan ka dhigayey inay u taagan yihin  doorashadda soo socota iyagoo kala ah musharax madaxweyne iyo madaxweyne  ku xigeen, maanta laga bilaabo aad tihin lixda musharax ee tartankaasi  ka qaybgalaya”

Sidoo kale, waxay sheegeen in lixdan musharax buuxiyeen shuruudihii laga rabay ee ay tartanka kaga qaybgalayaan.

Intaasi ka dib waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyeyaasha saddexda xisbi, kuwaas oo soo dhoweeyey shahaadooyinkaasi la gudoonsiiyey.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in la kala dooranayo lixdaasi musharax ee xisbiyadda hor boodaya, waxaanu yidhi “ geedi dheer baynu soo soconay oo ahaa in aynu maanta halkan soo gaadhno, laba sanno ka hor ayey ahayd inaynu halkan soo gaadhno, waa Qaddar allle inuu ilaahay maanta ina soo gaadhsiiyey”.

Waxaanu intaas ku daray “waxa la kala dooranayaa lixdaas nin ee shahaadooyinka la gudoonsiinayey, waxaan ilaahay ka baryeyaa in kii khayr u leh dalkan uu guulaysto, anagana hadii aanu khayr anaga iyo shacabkaba u lahayn kuma waydiisan”

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ lixdaasi nin ee shahaaadooyinka musharaxnimada la siinayo waajibka saaran waxa weeyi doorashadda la galayo iyo shacabkaasi kala dooranaya in la inaga helo xigmaddii iyo qorshihii horumar mooyee aan dib u dhac inoo keenin, sidaa uu xilkoodu inoo saaran yahay ayaa loo baahan yahay in loo dadaalo, waxaa kale oo aan ku dardaarayaa lixda musharax soo wada bixi maayaan ee laba uun baa soo baxaya afarta hadhayna waa inay dulqaadkoodda iyo samirkoodda yeeshaan. Nin waliba waa inuu niyada galiyaa inuu guulaysan karo iyo in laga guulaysan karo”.

Gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxaanu yidhi “waan ku faraxsanahay in shahaadooyinkii musharaxnimadda la na siiyo, anagu doorasho xor oo xalaal ah natiijo ka soo baxda in aanu aqbali doono hore ayaanu u sheegnay, waa la is xaman jiree malaha qolada mujaahidiinta ah ayaa xagayaga laga baqan jiray”

Dhinaca kale, waxa saddexda gudoomiye ee xisbi kala saxeexdeen anshax doorashadda lagu galayo, isla markaana dhowaan la bayaamin doonno wakhtiga ololaha oo xisbi walba toddobaad la siin doono ololihiisa iyo dhoolatuskiisa.