Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku tegeya dalalka ay ciidamadooda joogaan Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah ku tagaya dalalka Gobolka, si uu taageero milateri ugu helo guluf dagaal oo ay dowladiisu qorsheyneyso inay dhowaan ku qaado Al-Shabaab.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu booqanayo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti oo ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa qaadan doona afar cisho, waxaana uu la kulmi doonaa Madaxda dalalkaas,

Madaxweyne Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Yoweri Museveni.

Uganda oo ah dalka ugu badan ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayuu ka codsan doonaa Madaxweyne Farmaajo, si ay uga qeyb qaadan laheyd gulufka dagaal ee lagu qaadi doono Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lugtiisa labaad ee safarkiisa ku tagi doona Jabuuti, waxaana uu ku soo qatimi doonaa Itoobiya.

Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalalka Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti ayaa ah sidii dalalkan ciidamada ka jooga Soomaaliya uga qeyb qaadan lahaayeen dagaal saf ballaaran oo Al-Shabaab  lagu qaado, si looga saaro deegaanada ay ka taliyaan, maadaama ay door weyn ku leeyihiin AMISOM, waxaa lagama maarmaan noqotay in Madaxweynuhu goosto inuu safaro deg deg ku tago dalalkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday xerada Tababarka Jaziira, halkaasoo ay ku xareysan yihiin kumanaan askar, waxaana uu ku wargeliyay inay isu diyaariyaan guluf dagaal oo lagu qaado Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday inuu dagaalkaas hoggaamin doono oo uu diyaar u yahay in naftiisa ku bixiyo, isagoo ku booqan doona ciidamada furimaha dagaalka, waxaana uu u guuri doonaa Afgooye.

Weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux ayay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ka dambeyso weerarkaas, waxaana wixii weerarkaas ka dambeeyay madaxda dowladda sheegeen in dalka uu galayo xaalad dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta guluf dagaal oo lagu qaado Al-Shabaab, waxaana dhowaan is bedelo ku sameysay dhanka hoggaanka ciidamada, iyadoo la magacaabay Taliyeyaal ciidan, sida Taliyaha xoogga dalka, Taliyaha qeybta 12ka April iyo Abaanduulaha qeybtaas, hase ahaatee waxaa ay su’aal dul saaran tahay, sida dowladdu u qaado howl galkaan, maadaama Wasiir Gaashaandhig uusan dalka laheyn, kaddib markii Wasiirkii hore C/rashiid C/llaahi uu is casilay.

7 comments

  1. We are a bunch of volunteers and starting a new scheme in our community. Your web site offered us with helpful information to paintings on. You’ve performed a formidable task and our whole community can be grateful to you.

  2. Excellent post. I was checking continuously this blog and I’m impressed! Extremely useful information specially the last part 🙂 I care for such information a lot. I was looking for this certain info for a very long time. Thank you and good luck.

  3. Hey there I’m really excited I found out your web page, I actually found you by accident, when I was researching on Digg for best quotes ever. Regardless I am here now and would really like to say kudos for a great posting and the all round exciting site (I too adore the design), I do not have time to read through it entirely at the moment but I have saved it and also added your RSS feed, so whenever I have sufficient time I’ll be back to go through a great deal more. Please do continue the amazing work.

  4. We’re a gaggle of volunteers and opening a new scheme in our community. Your site provided us with valuable info to work on. You have performed a formidable task and our entire community might be thankful to you.

  5. I used to be recommended this website through my cousin. I’m no longer certain whether this publish is written through him as nobody else understand such exact approximately my trouble. You’re incredible! Thanks!

  6. You’re absolutely correct and I agree with you. If you want, we might also talk about best wireless headphones for gym, something which fascinates me. Your website is truly awesome, regards!

  7. There is obviously a bunch to know about this. I assume you made some nice points in features also.